Wararka naga soo gaadhaya gobolka Axmaarada ayaa waxay sheegayaan in xabsi ku yaala magaalada Debra Markos ee gobolka Axmaarada dab la qabad siiyay.

Xabsigan ayaa waxaa laga arkayay asagoo gubanaya oo uu qiiq badan ka baxayo. Lama oga waxa uu ka dhashay dabkan waxaase ficilada noocan oo kale ahi ay horay uga dhaceen meelo badan oo kamida xabsiyada gumaysiga Itoobiya gaar ahaan Magaalada Addiss Ababa oo ay gubteen dhawr xabsi.

Kooxda TPLF ee xukunka dalka laga fara maroojiyay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay marar badan xabsiyo noocan oo kale ah gubtay ayadoo rabta inay ujeedooyin gaara u ah ku gaadho ama qaar kamida maxaabiista layso. Khasaaraha kasoo gaadhay maxaabiista xabsiga la gubay ayaa waxaa la sheegay inuu aad u yaraa marka loo fiiriyo sida baahsan ee uu xabsiga dabku u hulaaqay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay