Kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa la soo dhoobay magaalada Jigjiga kadib kacdoon ka bilaw day maalmihii ugu danbeeyay oo ay ka dhigayeen dhalinyarada magaalada jig jiga.

Qaar kamid ahaa dhalinyarada oo ka cadhaysan xabsiyada maamulka fadhiidka ah ee jig jiga uu ku cadaabo dadka shacabka ah oo ku yaala magaalada ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada ayagoo ku qaylin hayay erayo ka dhan ah kooxda jig jiga.

Dadka shacabka ah ayaa waxay dalban hayeen in lasii daayo maxabiista boqolaal ka ah ee ku jira xabsiyada magaalada jig jiga.

Dhawaan ayay ahayd markay haayada Human Right Watch ay soo saartay warbixin ku saab sanayd Jeel Ogaaden oo ku yaala magaalada jig jiga kaasoo aad loogu ciqaabo dadka shacabka ah.

Magaalada ayaa waxaa gaaf wareegaya ciidamada Hawaarinta/Liyu boliska waxaana loo diiday dadka shacab ah inay socdaan xiliyada habeenkii ah.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay