Habeenkii xalay ahaa oo ay bishu ku beegnayd 25/07/2018 waxaa soodhawayn fiican oo aad u qurux badan loo sameeyay Hogaanka Arimaha Ururka ee JWXO mudane Haji Mohamed Yusuf xafladaas oo ka dhacday Golaha Wadatashiga Mandad-1.

Golahan oo ah golaha ugu horeeya kuna jira kaalinta 1aad ee dhamaan goleyaasha halganka ayaa wuxuu xalay si sharaf leh usoodhaweeyay Hogaanka cusub ee Arimaha Ururka kaas oo ah midka uu golahani sida tooska ah uhoostago.

Xafladan soodhawaynta ah ayaa waxaa ka soo qaybqaatay dhamaan xubnaha golaha kujira oo tirada guud gaadhaya in kabadan 130 xubnood, dhanka kale masuulka ayaa uga mahad celiyay soodhawaynta qiimaha leh ee ay usameeyeen xubnaha kujira Golaha Wadatashiga Mandad, xafladan oo socotay wakhti koban ayaa badashay shucuurtii xubnaha waxayna ku soodhamaatay si quruxbadan oo aad u heer saraysa.

Hogaanka ayaa wuxuu u jeediyay hadal kooban xubnaha golaha asagoo sheegay in hada kadib ay isla joogi doonaan loona baahan yahay in halganka lasii laban laabo wuxuuna la dar daarmay xubnaha asagoo uga mahad celiyay soo dhawaynta fiican ay u sameeyeen, xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin jabhadeed waxaana xafladu kusoo dhamaatay si guul ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay