Malaayiin qof oo reer Pakistan ah ayaa shalay u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan dowlad kale oo rayid ah. Goobaha doorashada ayaa waxaa la arkayay shacab aad u tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jiray inay codkooda dhiibtaan.

In ka badan 100 milyan oo qof ayaa isu diiwaan-gelisay codbixinta doorashadan 2018, waxaana ay soo dooran doonaan mudanayaasha baarlamaanka iyo wakiilada dowladaha hoose ee gobollada uu dalku ka kooban yahay.

Ku dhawaad 400 oo kun oo ciidamo millatari ah ayaa sugaya amniga goobaha laga codeynayo. Meelaha qaar ayay weeraro khasaare gaystay ka dheceen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay