Sida ay kusoo waramayaan wararka naga soo gaadhaya Soomaaliya ayaa sheegaya in 6 askari oo ciidamada dawladda Soomaaliya ka tirsan ay ku dhinteen qarax miino oo lala beegsaday kolonyo galbinaysay baabuur u socotay garoonka Ballidoogle.

Warar laga helnay hay’ado dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in askarta dhimatay ay la socdeen baabuur korka ka furan, waxaana uu marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dhinaca kale, qarax ayaa goor hore oo shalay ah lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha. Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kasoo gaadheen qaraxaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay