Waxaa wali halkiisii kasii socda dagaal faraha la isula tagay oo dad badan ku dhinteen kaasoo u dhaxeeya Oromada dhex deeda dagaalkan ayaa wuxuu ka bilawday kadib markii qolo gaalo ah oo ka cadhaysan in booska kiniisadooda taalo nin Islaam ah leeyahay laga dhisay ayaa dadkii Muslimiinta ahaa weerar lagu soo qaaday waxaana inta lahubo dhimatay 6 ruux oo labada dhinac ah halka dad Boqol kabadana ay ku dhaawacmeen.

Dagaaalkan oo 3-dii maalmood ee udanbaysay socday ayaan ilaa hada wax xal ah laga gaadhin. Waxaana laga cabsi qabaa inuu guud ahaanba gobolka Oramada gaar ahaan gobalka Bale kufido. Qawmiyada Oramada oo islaam ubadan ayaa hadana waxaa jira dad badan oo diinta masiixiga ama (Kirishtaanka) haysta.

Dadka Oromada ah ayaa ah dad kala diin ah waxaana gumaysiga Itoobiya ku wada nool Qawmiyado kala diin iyo dhaqan ah kuwaas oo hada inta badan ay u dhaxeeyaan dagaalo ku salaysan muran xuduudeed iyo isir nacayb ay dabada ka riixayaan kooxdii TPLF ee wakhtigeedii dhamaaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay