Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogadenya gaar ahaana xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in shalay oo taariikhdu ahayd 07/25/2018 maleeshiyaadka Oromadu ay qafaasheen 4 nin oo Soomali ah.

Raga la afduubay oo ka yimid magaalada Nagayle una socday dagmada Dhakaa Suuftu ayaa shalay Galabtii waxaa gaadhigay saaraayeen dhaxda ugalay maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah kadibna kala dagay.

Magacyada afarta nin ee Oramadu qafaalatay ayaa waxaa naloogu sheegay Xaaji Cabdisaney Mucallim Muxammed, Ina Mahdi Cabdinur Dacar, Xassan Muxammed Balxaaf, & Cabdi Dhaqane Cabdullahi.

Hadaba taleefanadii raga la afduubay waxaa qaban haya qoladii oramada ahayd ee qafaalatay waxayna sheegayaan inay afartaas nin dileen lagana samro, balse raga la afduubay ayaan ilaa hada raq iyo ruux midna  haynin.

Maleeshiyadka Oromada ayaa cadaystay dilka iyo afduubka  Ka dhanka ah shacabka Soomalida Ogadeniya ee aan is difaaci karin ayagoo wali sii wada dhibaatada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

Jabhada ONLF oo bayaan ka soo saartay dhibaatada ka dhex aloosan Oromada iyo Soomaalida waxayna ugu baaqday in xal waara laga gaadho dhibaatooyinka soo noq noqday ee u dhaxeeya shacabka soomaaliyeed iyo Oromada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay