Raaysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku tago dalka magaalada Washington ee dalka Maraykanka isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booqashadiisan ayaa imaaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hase ahaatee wuxuu sameeyay is badal weyn oo mudo intaa la eg aan wali horay dalka uga dhicin, gaar ahaana dhinac yada dibu heshiisiinta dhawrista xuquuqda aad miga iyo sidoo kale inuu meesha ka saaray ururadii horay loogu daray argagixisada inay kasaaraan taas badal keedana ku tilmaamay dad gobonimo u dirir ah.

Raysal wasaaraha ayaa mudada uu joogo dalka Mareykanka waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato dadka ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya laakiin ku dhaqan Mareykanka iyo shucuubaha ku hoos nool xukunka Itoobiya.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa dhanka kale inuu ka hadlo waxna ka qabto colaada soomaalida iyo Oromada oo in dhawaale ba soo noq noqotay waxaana la rajaynayaa inuu kulamo la qaato wax garadka Oromada iyo Soomaalida.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay