Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada shalay iyo xalay fiidkii.

Mid ka mid ah xildhibaannadii baarlamaankii 9-aad oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi ayaa dablay hubaysan ay ku dileen gurigiisa kadib markii ay weerar ku qaadeen. Dablaydan ayaan haybtooda wali la aqoonsanin.

Xildhibaankan hore ee la dilay ayaa ahaa sayga xildhibaan Xiis Xasan oo iyadu ka tirsan baaarlamaanka 10-aad ee xilligan xaadirka ah jira. Geerida xildhibaanka waxaa saxaafada u sheegay xildhibaan Cali Jawhar oo ay is yaqaanaan.

Dhinaca kale, waxaa Muqdisho lagu dilay nin kaameriiste ah oo u shaqaynayey mid ka mid ah telefiishannada cusub ee magaalada Muqdisho. Waxa kale oo magaalada ka dhacay dilal kale oo loo gaystay askar ka tirsan minishiibayada iyo booliiska Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay