Xubnaha Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia ee UCSO laantiisa kadhisan Xerada IFO ee deegaanka Dhadhaab ayaa maalinimadii maanta ahayd isugu yimid kulan muhiim ah oo lagaga arinsanayay hawlaha shaqo ee ururka iyo waliba danta guud ee halganka shacabka Ogadenia.

Kulankan oo kamid ahaa kulamada caadiga ah ee ururka bishiibana mar laqabto ayaa shalay ka koobnaa laba qaybood waxaana qaybta 1aad ugu horayntii wacdi kadib lagu kala qaatay war boxinno kala duwan oo aad uxiiso badan waxaana warbixin kadib la ambaqaaday qodobadii kale ee kulanka waxaana mid mid laysula lafaguray dhamaan qodobadii kulanka ugu dambayna laysla meel dhigay .

Kulanka waxaa si aad ah loogu taageeray shir waynihii 3aad ee JWXO Dhawaantana kadhacday dalka Eritrea waxaana si buuxda loogu taageeray dhamaan qodobadii kasoo baxay shirkaasi waxayna sidoo kale culimadu kulankan kaga hadleen dareenkooda farxadeed ee Ku,aadan soo daynta halgame C/kariim shekh muse

Sidoo kale waxaa kulankan qayb ka,ahaa Akrinta Qur’anka kariimka ah oo ay culimadu mar walba Akhrido waxaana maanta kulanka lagu Akhriyay Qur’an aad ubadan waxaana lagu soo khatimay duco dheer oo ay culimadu ilahay Sw kabiriday in uu guuleeyo shacabka dulman ee diidan gumaysiga iyo ciidanka Jwxo ee marwalba utaagan hiilada shacabka.

Ugu dambayntiina wuxuu kulanku kusoo idlaaday jawi wanaagsan .

ONA/IFO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay