Wararka naga soo gaadhaya wadanka Eritrea ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagayo dalka Eritrea bari.

Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa casuumad u fidiyay dhigiisa Soomaaliya Mohamed Abdulahi Farmaajo.
Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo Mr. Farmaajo ayaa bari aroortii ku wajahan casimada dalka Eritrea ee casmara waxayna Booqasho sadex cisho ah kujoogi doonaan mudo sadex bari ah.

Booqashada Mr. Farmaajo ayaa ah tii ugu horaysay ee madaxwayne Soomaaliyeed kutago dalka Eritrea tan iyo intay Eritrea xoriyadeeda Itoobiya kaqaadatay sanadii 1991-dii.

Xidhiidhka Soomaliya iyo Eritarea ayaa u afduubnaa Colaada Eritrea iyo Itoobiya Waxaana cad in mar haday Itoobiya iyo Eritarea heshiiyeen Soomaliyana layidhi Eritrea waad booqan kartaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay