Wararka naga soo gaadhaya wadanka Kenya ayaa waxay sheegayaan in wafti balaadhan oo uu horkacaaya xoghayaha guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Mudane Cabdirahmaan Sheekh Mahdi (Maadeey)uu hadda soo gaadhay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Xoghaya ayaa waxaa safarkiisan ku weheliyay masuuliyiin sar sare oo kamida jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana kamid ah masuuliyiinta safarkan ku wehelisa Hogaanka Arimaha Dibada ONLF mudane Ahmed Yaasiin Sh.Cabdi Hogaanka Dhaqaalaha (JWXO) Marwo Dr’s Cibaado Xirsi Mahad iyo Gudoomiyaha Hogaanka Hawlgalinta Naftiihure Faysal Daahir Nuur.

Xoghaya iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxay la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda sare ee wadanka Kenya, madax sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Kenya,

Xoghaya iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa waxay kasoo laabteen shirwaynihii 3 aad ee (JWXO) oo dhawaan lagusoo gaba gabeeyay wadanka Eritrea.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay