Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegayaa in ay gantaalo ku weerareen garoonka diyaaradaha Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta (UAE).

Sida laga soo xigtay telefishinka xuutiyiinta, sadex diyaaradood oo nooca drones-ka ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Khamiistii ina dhaaftay, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen goob istiraatiji ah.
Hase ahaatee ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkaasi gantaalada ah ee diyaaradaha drones- xuutiyiinta ku qaadeen garoonka Abu Dhabi.

Sarkaal u hadlay dowlada UAE ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in haba yaraate wax weerar ah aan lagu qaadin madaarka Abu Dhabi. Wararka kalena waxa ay sheegayaan in uu jiro dhab ahanyshiyaha weerarkaasi ay xuutiyiinu qaadeen kaasoo la sheegayo in uu sababay hakad ku yimid duulimaadyada Garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi balse aan la ogeyn ilaa hada cidda wax ku noqotay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay