Wararka naga soo gaadhaya Itoobiya ayaa sheegaya inay rabshado waa wayn oo ku salaysan isir nacayb ay ka socdaan meelo badan oo Itoobiya kamid ah.

Qawmiyada Amxaarada oo ka cadhaysan dilkii loo gaystay injineerkii biyo-xidheenka abay, Simegnew Bekele ayaa isugu soo baxay meelo badan oo kamid ah Kililka Amxaarada waxaana lasheegayaa in Amxaaradu magaalada Gonder ku gubeen Hoteelo iyo gawaadhi ay qawmiyada Tigrey lahaayeen.

Dhimashadii injineerkii biyaxidheenka Itoobiya ee Abay, Simegnew Bekele ayaa sii kala qaybiyay qawmiyadaha  Amxaarada, Tigray iyo Oromada oo markii horaba isku dhacsana waxaana la sheegayaa in Amxaaradu dilka Simegnew Bekele dusha u saaratay kooxda TPLF iyo OPDO balana ku qaaday inay aargoosan doonaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay