Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya Ee wadanka Yaman ayaa waxay isugu timid kulankeedii caadiga ahaa waxaana kasoo qayb galay xubnaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Magaalada Sanca ee wadanka Yaman.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhamaanba qaybaha kala duwan kala duwan ee bulshada sida ururka dhalinyarada, ururka haweenka & dalada culumaa u diinka soomaalida Ogaadeniya sidii caadada ahayd ba shirkan ayaa waxaa lagu furfuray aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah.

Shirka ayaa waxaa daadihin hayay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya Yaman mudane Sheekh Mohamed Hassan wuxuuna kuso dhaweeyay oo warbixin dheer kasoo jeediyay hogaan warfaafinta Jaaliyada wuxu ka waramay shirwaynihii 3 aad ee JWXO go aamadii kasoo baxay iyo xaalada guud ee halganka Ogaadeniya.

Waxaa kale goobta ka hadlay xidhiidhiyaha Jaaliyada Mudane Luqmaan wuxuuna kasoo jeediyay warbixin koobnayd.

Shirka ayaa waxaa khadka taleefanka kagasoo qayb galay mudane Naftiihure Abdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayadoo hal mar ay shucuurta iyo dareenka bulshada ay is badashay ayagoo aad ugu farxay hadalka naftiihure Abdikariim halgamaaga ayaa u xog waramay sidoo kale na la dar daarmay dhamaanba jaaliyada Ogaadeniya.

Waxaa dhanka kale ka hadlay gudoomiyaha ururka Haweenka UHO Marwo Nimco mohamed Haaji waxaana la gudoon siiyay shahaado sharaf oo ay ku mataysatay dadaalkeeda dhinaca halganka ah waxaa kale oo shahaadooyin la gudoon siiyay xubno kale oo shaqo fiican qabtay.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul iyo jawi farxad badan waxaana hoosta laga xariiqay in la dhaqan galiyo dhamaanba go aamadii kasoo baxay shirka sido kale in lasii laban laabo halganka soomaalida Ogaadeniya ee JWXO hormuud ka u tahay.

ONA/Sanca.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay