Waxaa kulan muhiim ah wada qaatay waftigii uu hogaaminayay Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Abdirahmaan Sheekh Mahdi Maadeey iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya JWXO ee ku sugan Bariga Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi.

Kulan kan oo ahaa mid looga arinsanayay siyaasada guud ee Gees Afrika iyo is badalada siyaasadeed ee ka socda ayaa waxaa looga hadlay wax yaalo badan oo ku saabsanaa sidii looga faa’iidaysan lahaa isbadallada ee loogu diyaar garoobi lahaa marxaladan cusub ee Itoobiya ay cagta saartay.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu lafo guray xaalada halganka Soomaalida Ogaadeniya waxaana laga hadlay sidii loo hirgalin lahaa qorshayaashii la dajiyay iyo go’aamadii kasoo baxay shirwaynihi 3aad ee JWXO ee bishan horaanteedii Casmara ka dhacay.

Waftiga uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee JWXO ayaa wuxuu soo gaadhay shalay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagaga dooday arimo badan oo khuseeya qadiyada wuxuuna kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay