Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in uu magaalada ka qabsoomay kulan aad u balaadhan oo ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo shacabka qawmiyada Tigrey kaas oo lagaga hadlay qodobo dhawr ah oo ku saabsan mustaqbalka mugdiga sii galaya ee Tigrey.

Kulankan oo ahaa mid ay dad badani kasoo qaybgaleen waxaa lagaga hadlay heshiiskii lama filaanka ahaa ee dhex maray wadamada Eritrea iyo Itoobiya, kaas oo siwayn u taabanayay mustaqbalka qawmiyada tirada yar ee Tigrey.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta qoomiyada Tigrey ee shirka kasoo qayb galay oo danta qoomiyda fiirinaya ayaa sheegay in ay taageersan yihiin heshiiska dhex maray labada wdan ee Itoobiya iyo Eritrea, iyo walibada booqashadii uu Raysalwasaaraha Gumaysiga Itoobiya kutagay magaalada Casmara ee wadanka Eritrea.

Afhayeen u hadlay qoomiyada Tigrayga ayaa sheegay in qoomiyada Tigraygu ay taageerayso nabada Gobolka isla markaana ay qoomiyadu ubaahantahay cadaalad iyo sinaan loo sameeyo dadka Itoobiyaanka ah waa sida uu hadalka udhigay e, wuxuuna afhayeenku sheegay in qoomiyada Tigraygu ay xadgudub badan tirsanayso.

Kasoo qayb galayaasha shirka qoomiyada Tigrayga oo watay sawiro xubno Tigrey ah oo la xidh xidhay iyo kuwo ay dacwado ku socdaan ayaa sheegay in dadkaas loo soo daayo si shuruud la’aan ah hadii kalana ay dhibaatadu sii jiri doonto, hadalkaas oo umuuqday mid ay ugu hanjabayeen xukuumada cusub ee Abiy Axmad.

Tigeyga oo sanad kahor aaminsanayd in ay dadka iyo dalkaba iyadu leedahay Kuna amarkutaaglayn jirtay ayaa umuuqata in ay badashay booskii ay qoomiyadaha kale joogeen waxaana bilihii lasoo dhaafay la’arkayay siyaasiyiinta qoomiyada Tigrayga oo aad loo bahdilayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay