Maxamed Cumar Geedi oo wasiir ku xigeen ka soo noqday dowladdihii hore ee Somalia ayaa maanta sheegay in gurigiisa ay xalay soo galeen ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugida.

Geedi ayaa ku eedeeyay hay’addaha amniga Somalia inay bartilmaameedsanayaan dadka dhaliila dowladda Somalia. Masuulkan ayaa shaaca ka qaaday in NISA ay bartilmaameedsanayso dadka kasoo horjeeda dawlada Soomaaliya.

Masuuliin iyo muwaadiniin kale ayaa sidoo kale ka canaya in NISA ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan. NISA ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato weerarada isdaba jooga ah ee kooxda Al-Shabaab ka fuliso Soomaaliya, balse taas badelkeeda waxay cago-juglayn iyo dhaabayn ku haysaa muwaadiniin Soomaaliyeed oon waxba galabsanin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay