Jaaliyada Soomaalida Ogadeenya ee Gobolka Victoria ee dalka Australia ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-07-2018 u qabsoomay qaybtii 3aad ee Siminaarkii IFIYE kaas oo jaaliyadu si isdaba joog ah ay uwaday.

Siminaarkan ayaa ah mid ay Jaaliyada Victoria ku kobcinayso garaadka iyo aqoonta xubnaha jaaliyada iyo hawlwadeenada kala duwan ee ka hawlgala Victoria. Qaybta 3aad ee siminaarka oo ku saabsanayd Maamulka iyo Maaraynta ayaa waxaa si waafi ah waxaa u soo diyaariyay Sheekh Fadxi. Siminaarkan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Jaaliyada.

Dhanka kale Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumad Ugaas Qani oo kamid ah Hogaanka Sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa madashii uu siminaarku ka socday kula wadaagay warbixin meelo badan taabanayso dhamaan xubnihii kasoo qaybgalay siminaarka IFIYE. Warbixintii uu Ugaas Cabdulaahi jeediyay ayaa ahayd mid ahmiyad gaar ah u leh xubnaha Jaaliyada oo aad ugu diirsaday aadna u soo dhaweeyay.

Warbixinta Siminaarka IFIYE iyo guud ahaan qorshaha abaabulka ee Jaaliyada Victoria ay wado ayaad si talan taalis ah ugala socon doontaan saxaafada Soomaalida Ogadenya haduu ilaahay yiraahdo.

ONA/ Victoria

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay