Waxaa magaalada Nirobi ee caasimada dalka kenya ka socda xaflad siwayn loosoo agaasimay oo lagu xusayay aas aaskii  sanad guuradii 8aad ee kasoo wareegtay Midowga Dhalinyarada  iyo Ardayda Somalida ogadenya, OGADEN YOUTH & STUDENT UNION” loona soo gaabiyo (OYSU).

Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin farabadan oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ONLF Mudane Axmed yasiin sheekh cabdi, Naftiihure cabdikariim sheekh muuse qalbi dhagax, Naftiihure Sulub Cabdi Axmed iyo boqolal shacabka Soomaaliyeed.

Xaflada ayaa waxaa lagaga hadlay marxalada halganka ogadenya marayo iyo sidii loosii laban laabi lahaa.Waxaana ka mid ahaa Masuuliyiintii shirka ka hadlay gudomiyaha arimaha dibada ONLF Axmed  yasiin sheekh cabdi oo ku dheeraaday ahmiyada ay midnimadu leedahay iyo Siduu shacabka somalida ogadenya uga faaiidaysan lahaa fursadaha horyaala, waxuna ku baaqay in halganka gumaysi diidka ah lagu midoobo.

Sidookale halgame qalbi Dhagax ayaa Khudbad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan taabanhaysa Goobta kasoo jeediyay.

Xaflada ayaa waxay u socotaa si habsami ah waxaana idiin soo gudbin doonaa waebixinta iyo sawiro dheeri ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay