Waxaa wadanka Eritrea Booqasho sadex cisho ah kujooga wafdi uu hogaamin hayo madaxwaynaha soomaaliya Mohamed Abdulahi farmaajo waxayna booqashadani daba socotaa isbadaladii bariga africa gaar ahaan Itoobiya kadhacay oo samayn wayn kuyeeshay xidhiidhka wadamada geeska africa lalahaayeen dalka Eritrea.

Hadaba wasirka warfafinta Somaliya oo waraysi siiyay idaacada voasomali ayaa sheegay in wafdiga Soomaaliya ay lakulmayaan masuuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya onlf ee kusugan dalka Eritrea,ayna diyaar uyihiin in  waxii dhacay laga wada hadlo midnimada dadka soomaliyeed  ee walaalaha ahna laga wada shaqeeyo.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay gumaysiga Itoobiya waxay ugu wareejisay naftii hure cabdikariim sheekh muuse qalbi dhagax  sidookalana ururka onlf kutilmaantay urur argagixiso ah oo al Shabab xidhidh la leh,inkastuu barlamaanka Soomaliya goaankaas waxba kamajiraan kutilmaamay hadana wali xukuumada  soomaaliya ayaan Wali go,aankaas kanoqon raaligalina kabixin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay