Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Nickolay Mladenov Isu duwaha wadahadalada nabadeed ee Qaramada Midoobay (QM) u xilsaartay Arimaha Bariga Dhexe ayaa mudooyinkan waday wadahadalo lagu doonaayo in xabad joojin lagu dhex dhigo dawlada Israail iyo kooxaha hubaysan ee Dalka Falastiin.

Mr. Mladenov oo ku sugan magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa wadahadalo la leh madaxda labada dawladood iyo madaxda hogaamisa dawlada ay deriska yihiin ee Masar.

Waxaana la sheegay in uu kala hadlayo sidii looga baaqsan lahaa rabshado iyo xasuuqyo kale oo ka dhaca marinka Qaza ee dhulka Falastiin. Kumanaan Falastiniyiin ah ayaa ku dhintay qulqulatooyin ka dhacay Qaza taas oo dadka reer Falastiin ay kaga ashtakoonayaan dawlada Israaiil oo ay sheegeen in ay degaamaysanayaan dhul ay iyagu leeyihiin.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay