Koox la rumeysan yahay inay yihiin Al-shabaab ayaa xalay waxay weerar ku bilowday rasaas culus iyo bambaanooyin ay ku qaadeen saldhig ciidanka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose gaar ahaan agagaarka buundo yar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaasta cul-culus ee ay isku adeegsanayeen ciidanka dowlada iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday balse lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Al-Shabaab ayaa bogaga ay ku leeyihiin baraha bulshada waxa ay ku sheegteen in weerar qorsheysan ay ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka dowlada isla markaana ay gabi ahaan ay la wareegeen saldhigaas hase ahaatee warkaasi waxaa beeniyay saraakiisha ciidanka dowladda oo dhankooda sheegay in weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen ay iska caabiyeen.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay