Wararka naga soo gaadhaya gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in xilkii laga wada qaaday dhamaanba xubnihii maamulaayay xabsiyada Itoobiya kuwaasi oo dadka lagu jidh dili jiray.

Sida ay wararku tibaaxeen waxaa shaqadoodii waayay kooxo badan oo ahaa saraakiil kamid ahayd booliiska waxa loogu yeedho asluubta.

Marka laga reebo dhulka Soomaalida Ogadeniya oo wali gumaysigu oo si xoog ah kusii muquunin hayo dadkuna ayna si xor ah aragtidooda u cabiri karin waxaa is badalo balaadhan ka dhaceen guud ahaan ba gumaysiga Itoobiya ayadoo shucuubaha kala duwan ay dareemeen noocaw xoriyadeed.

Waxaa kale oo ayagana sida la sheegay shaqadii laga eryay dhamaanba kuwii ku dhaqnaa kililada kale ee xabsiyada maamulaayay.

Shacabka Soomaalida Ogaadeniya ayaa wali ayagu kusii jira nidaamka dil xadhig dhac iyo kufsi ah oo ay ku hayaan kooxda gacan yaha u ah gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay