Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee  maraykanka oo ka qayb gashay xaflad raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed su’aalo lagu waydiin hayay ayaa tacadiyada iyo gaboodfalka Dhulka soomalida ogadeniya kawar bixiyay fariin adagna ugud biyay raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed oo Booqasho ku jooga dalka maraykanka.

Huda Ahmed oo ku hadlaysay  afka shacabka soomalida Ogadeniya ayaa ka sheekaysag isabadalada Itoobiya kasocda iyo sida ayna gobolka Ogaden wali u gaadhin waxtalaabo ah na looga qaadin.

Ugu horayn Huda ayaa  abiye Ahmed ku amaantay sidayntii saraakiishii ONLF  ee Adis Ababa kuxidhnayd sida Naftii hure Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo Soomaliya soo dhiibtay sigaar ahna shucuurta soomalida ogadenya iyo guud ahaanba shacabka soomaaliyeed u saameeyay iyo dhaamaan saraakiishii iyo naftood hurayaashii xabsiyada Itoobiya laga siidaayay.

Huda oo afka shacabka soomaalida Ogaadeniya ku hadlaysay ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ugu baaqay  sadex talaabo oo dag dag ah inuu ogaadeniya ka qaado.

Inuu siidaayo dhaamaan maxaabiista wali ciqaabta iyo adoonsiga ku jira ee xabsiyada Jeel Ogaden ee Bayaxoow

Inuu gobolka ogadeniya ka qaado cunaqabataynta dhanwalba ah oo 30 kii sano ee lasoo dhaafay saarayd.

In haayadaha gargaarka iyo kuwa xuquuqda aadamaha udooda gobolka loo fasaxo.

Hoos ka daawo Qudbadii oo dhamaystiran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay