Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele ayaa sheegaya in banaanbax balaadhan uu wakhtigan xaadirka ah ka socdo magaalada.

Warkan ay ONA heshay ayaa intaas ku daaya in shacab aad utiro badan ay banaanbax ka dhan ah maamulka Jigjiga ay ka wadaan magaalada Godey.

Muuqaaladan hoose ayaa muujinaya xaalada magaalada Godey iyo banaanbaxa ka socda. Shacabka banaanbaxa wada ayaa waxay ku dhawaaqayaan halkudhagyo ka dhan ah maamulka Cabdi Ileey, waxaana kamid ah ” Dooni Mayno Cabdi Ileey, Dooni mayno Dibucurasho, Cadaalad Baan Rabnaa iwm”.

Wixii kasoo kordha kacdoonka shacabka Soomaalida Ogadenya waxaad kala socon kartaan ONA haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay