Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogadeniya gaar ahaana gobalka Afdheer ayaa waxay sheegayaan mudaaharaado gumaysiga iyo gacanyara yaashiisa lagaga soo horjeedo inay kasocdaan gobalka Afdheer.

Xalay saqdii dhexe ayuu Mudahaar kabilaamay dagmada Raaso ee gobalka Afdheer waxaana kacdoonka oo rabshada watay fooda isku daray shacabka magalada Raaso iyo ciidanka gumaysiga itoobiya gaar ahaana kooxda hawaarinta oo iyagu u adeega xukuumada gumaysiga itoobiya.

Dhankale saaka subixii hore ayaa waxaa Hal mar Kacdoon dadwayne ka bilaamay magalada Baaray ee gobalka Afdheer shacabka magalada baaray ayaa ku qaylinayay doonimayno adoonsiga waxayna socod kumareen Jidadka magalada iyaga oo wata boodhadh ay kuqoran yihiin halku dhigyo lid ku ah kooxda gumaysiga Itoobiya kasamaystay Ogadeniya e fadhigoodu yahay magalada Jigjiga.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa ka dhacay dhaawac fara badan waxaana dadka qaar haleeshay rasaasta iyo budhadhka ay la dhacayeen kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Kacdoonkan kasocda Ogadeniya ayaa sii kordhaya bilihii ugu danbeeyay wuxuuna hada kufidayaa inta badan gobalada Ogadeniya.

ONA/Afdheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay