Wararka nagasoo gaadhaya gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in Magaalada Maqale ee caasimada gobolka Tigrayga kasoo dagtay diyaarad 40 asakri oo hubaysan wada.

Askarta oo Dhamaan Itoobiyaan ah ayaan ilaa hada la ogayn sababta ay usocdeen waxase lasheegaya inay dalka Sudan kasoo duuleen, askartan oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan rag iyo dumarna ka kooban ayaa lagu hayaa garoonka Al-Awabawi Airport ee magalada Maqale.

Nooca diyaaradan ayaa lagu sheegan inay diyaaradihii ruushka ee loo yaqaano Antonov taasoo la sheegay inay kasoo duushay Sudan Meel ay kusotay se aan la ogayn.

Taliska Itoobiya ayaa fajac iyo amakaag ka qaaday diyaaradan iyo ciidanka Itoobiyanka ah ee dalka dibadiisa ka yimid, waxayna sheegayaan inay badhitaan wadaan gumaysiga Itoobiya oo waayahan ba isdhaxyaac kujiray ayaad modaa inuu kasii darayo waxaana halkaas ka muuqata inuu wadanku ku jiro xaalada jahwareer.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay