Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday xero qaxooti oo ku taala magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay masuuliyiinta gobolka Attaullah Khogyani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay in goobta la weeraray ay ahayd xero dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga isla markaana ay deganaayeen qaar kamid ah ururada caalamiga ah, waxaana uu intaas ku daray in weerarku uu ku bilowday qarax kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidanka ilaalada iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kalena dagaal culus ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay Isbitaal ku yaala Jalalabad kadib markii qarax lala beegsaday meel u dhow afafaafka hore ee Isbitaalka, sida laga soo xigtay madaxda gobolkaasi. Sarkaal ka tirsan dowlada Afghanistan ayaa sheegay in dagaal culus uu dhex maray ciidamada ammaanka ​​iyo ragga weerarka soo qaaday.

Tan iyo wakhtiga xaadirka ah ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarada iyo qaraxyada lala beegsaday Isbitaalka iyo xerada qaxootiga ee ku taala Jalalabad. Weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Jalalabad ayaa kordhay saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaana ku dhintay ugu yaraan 160 qof halka in kabadan 490 qofna ay ku dhaawacmeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay