Donald Trump ayaa ogolaaday in uu la kulmo hogaamiyeyaasha Iran, xillikasta oo ay doonayaan iyadon lagu xidhaynin wax sharuuda ah ayuu doonayaa inuu la kulmo.

Isku daygan nabadeed ee Trump ayaa imanaya kadib markii isaga iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani uu midba midka kale si adag ugu digay bilowgii bishaan. Bishii May, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iran kadibna cunaqabateynadii caalamiga ahayd dib ugu soo celiyay Iiraan.

Washington ayaa maalmo gudohood isugu diyaarineysa in ay Tehran dib ugu soo celiso cunaqabateynada, inkastoo ay ka soo horjeesteen UK, Fransiiska, Shiinaha, Ruuska iyo Jarmalka, kuwaas oo sidoo kale dhinac ka saxiixay heshiiskii sanadkii 2015-kii.

Mareykanka ayaa shaki weyn ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa ay Iiraan ka waddo Bariga Dhexe. Mareykanka ayaa xulafo la ah Sacuudi Carbiya iyo Israa’iil oo labaduba ah cadowga 1aad ee Iran. Kulankan hadii uu qabsoomo waxa uu noqon doonoo kulankii ugu horeeyay ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha Iran iyo Mareykanka kahor tan iyo 1979-kii markii uu dhacay isbedelkii Iiraan.

Wax yar un kadib hadalka madaxweyne Trump, wasiirka arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in uu taageeri doono kulanka waa haddii ay Iiraan muujiso in ay isbedel ku sameyneyso hab dhaqankeeda.

Iran ayaa ka mid ah wadadmada ugo soo saarista badan shidaalka dunida, taas oo dhoofiso shidaal u dhigma balaayiin doolar sanadkasta. Waxa ay durbadiiba dareemeysa cadaadis dhaqaale xumo. Sidoo kale waxaa hadheeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo sare ukac ku yimid badeecada iyo qiimaha lacagta oo hoos u dhacay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay