Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteen waxaa shalay ka dhacay magaalada Godey banaabax balaadhan oo shacab aad u tiro badan ay kasoo qaybgaleen.

Banaanbaxan oo ka dhan ahaa maamulka maqaar saarka ah ee Jigjiga fadhigiisu yahay ayaa gilgilay magaalada. Shacab aad u cadhaysan oo kasoo horjeeda kooxda dhiigyacabka ah ee Cabdi Ileey ayaa mudaaharaad ku maray wadooyinka waawayn ee magaalada iyagoo ku dhawaaqayay hal kudhagyo ka dhan ah maamulka Cabdi ileey.

Kooxda Hawaarinta ayaa rasaas nool nool ku furay shacabkii banaanbaxayay, inkasta oo aysan jirin wax rasaastu haleeshay hadana dhaawaco halis ah ayaa soo gaadhay qaar kamid ah dhalinyaradii ka qaybgashay banaanbaxa. Khalid Axmed Maygaag oo kamid ahaa dhalinyarada ayaa dhaawacyo halis ah ay soo gaadheen kadibna waxaa ka xaystay kooxdii Hawaarinta walina lama hayo meel ay geeyeen.

Hadaba waxaa la xidh xidhay qaar kamid ah dhalinyarada oo ay noo suuragashay inaan hello magacyadooda, waxaana kamid ah kuwan hoos ku xusan oo kala ah:-
1-Khalid Axmed Maygag (Waa wiilka dhaawaca xun uu soo gaadhay).
2-Gaani C/wahaab  Sh Cabdulaahi (Gaani dhagjar)
3-Maxamad Muhumed Abiib.
4-Abdullahi muktar Sh-mohamuud
5-Mohamed Haajir abdi

6-Mohamed Abdi ( balabaad)
7-Cabdulahi Axmed Caafi ( Cabdulahi Jeeri)

Wixii faah faahin ah ee kasoo kordha waxaad kala socon doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay