Wararka naga soo gaadhaya koonfurta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal khasaare gaystay oo dhex maray labo qoomiyadood oo halkaas wada dagan, kuwaas oo uu kadhaxeeyo dagaal mudo dheer soo noqnoqday.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa maalinnimadii shalay oo Talaado ahayd uu dagaal dhex maray qoomiydaha Amara iyo Guji oo koonfurta wadanka wada dagan, waxaan lasheegayaa in uu dagaalku bilowday kadib markii dablay hubaysan ay jidka ugashay baabuur ay dad shacab ah saaraayeen.

Sida lagu soodaabacay warbaahinta wadanka Gumaysiga wax kaqorta waxay dablaydu dishay darawalkii gaadhiga iyo qof kale oo shacab ah, waxaana lasheegayaa in dagaal fool kafool ah uu dhex maray labada qoomiyadood ee Amara it Guji oo xuduudooda dadka lagu laayay.

Dagaalka udhaxeeya labada qoomiyadood ayaa lasheegayaa in ay bilihii lasoo dhaafay ku dhinteen in kabadan 60 qof halka dhaawacana lagu sheegay 114 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Dhinaca kale waxaa lagusoo waramayaa in ay fooda isdareen ciidanka gumaysiga Itoobiya oo halkaas ka agdhawaa iyo maleeshiyo beeleedkii dagaalamayay, waxaana lasheegayaa in ay iska dileen tiro ciidan ah oo aan wali lafaahfaahinin.

Dagaalka qoomiyadaha ayaa wadanka Gumaysiga Itoobiya kanoqday mid iska caadi ah, waxaana sanadkan oo kaliya wadanka kadhacay dagaalo aad ubadan oo udhexeeya qoomiyadaha wadanka lagu gumaysto waxaana dagaaladaas naftooda kuwaayay dad aad ubadan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay