Wararka naga soo gaadhaya magaalada Herar ee gacanta Gumaysiga kujirta ayaa sheegaya in hadhaagii kooxda TPLF ay halkaas kawadaa howlo amaanka lidi ku ah, waxaana lasheegayaa in lafashiliyay qaar kamid ah qorshayaashooda guracan.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ee wakhtigeedii dhamaaday ayaa wakhti badan kubixisay sidii ay isaga horkeeni lahaayeen dhalinta kudhaqan magaalada Harar ee qoomiyadaha kala duwan kasoo kala jeeda.

Kooxda TPLF oo lacag iyo maskax adeegsanaysa ayaa lasheegayaa in ay shiriyeen dhalinta FAANA oo qoomiyada Axmaarada ku abtirsata iyo dhalinta SARMA oo shucuubta koonfureed ku abtirsata, waxaana lasheegayaa in ay ku abaabuleen sidii ay uga sooqayb gali lahaayeen dibadbax ay dadka aan Oromada ahayn kumuuninayaan dareenkooda.

Kooxda TPLF oo iskudirka dhalinta kafaa’iidaysanaysa ayaa lasheegayaa in ay goobta uu dibad baxu kasocday keeneen calan kaduwan midka Itoobiya si ay dhalinta uga dhigaan kuwo falaago ah.

Dhagar qabayaasha TPLF ayaa lasheegayaa in ay utageen dhalinta Oromada ee QEERROO oyagoo usheegay in guushii Oromada labaabi’inayo oo magaalada lagu dhex wato calan maamulka kasoo horjeeda Isla markaana dowlada lagu duminayo.

Dhalinta Oromada oo aad ucadhaysan ayaa lasheegayaa in ay soogaadheen goobta iyagoo doonaya in ay laayaan dibad baxayaasha Axmaarada iyo ree Koonfureedka, hase yeeshee dhalintii Oromada ayaa durba ogaaday munaafaqada meesha taala iyo waliba iskudirka socda.

Sidoo kale waxaa khayaanada ogaaday dhalintii lakhalday ee Axmaarada iyo ree Koonfureedka waxaana lasheegayaa in ay dhalintu si fiican isu afgarteen isla markaana ay kooxda TPLF uqaadeen colaad hor leh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay