Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogadeniya gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya in dilkii iyo xadhigii shacabka somalida ogadenya sii laba jibaarmay, waxaana dhamaan dhulka Ogadeniya ka socda kacdoon lagaga soo horjeedo gumaysiga iyo gacanyarahiisa, hadaba Tacadiyadii ugu danbeeyay iyo meelahay kakala dhaceen.

Shalay oo talaado ahayd waxaa Hadhaawe oo dagmada goday katirsan lagasoo qaqabtay 30 nqof oo odayaal ah waxaana lagusoo xidhay tuulada ‘baarguun’ odoyaasha oo ciidanka hawaarintu sixun ujidhdileen ayaa waxaan magacaantooda helay.

Axmed muxumad xasan
Axmed maxbuub macalin
Nuur axmed macalin xasan
Yuusuf Cabdi xareed
Yuusuf baruud kaahin
Maxamed kaldeq shafeec
C/xakiin raage daahir
Maxamed dayib Cabdi
Axmed muxumad xuseen
Dayib Cabdi cali
C/laahi maxamed Cabdi

Shacabkan oo dhamaan odayaal ah ayaa waxaa loo jidhdilayaa oo lagu haystaa xoolo baad ah oo Maleeshiyaadka hawaarintu ku xukuntay inay bixiyaan odayaashan oo garaac iyo Bahdilaad loo gaystay ayaaa waxay hada ku xidhan yihiin tuulda ‘baarguun’.

Sida aan wararkaa nagii hore idiin ku sheegnay waa shalay ilaa maanta hankakale mudaharaadyo waa wayn isoogu soo baxay shacabka gobalada Shebeele, Afdheer & Nogob.

Ayagoo dadku si nabad ah ubanaan baxayaan ayaa waxa xabad nool nool ladhacay Maleeshiyadka hawaarinta oo loo carbiyay xasuuqa iyo gumaadka shacabka somalida ogadeniya.

Dhanka kale waxaana la sheegayaa in Magaalooyinka raaso, godcusbo iyo baaray oo gobolka afdheer katirsan dad badan lagu dhaawacay kuwa kalana xabsiga ladhigay, sidoo kale magala madaxda gobolka shebeele ee Goday ayaa dadbadan lagu xidhxidhay

Gobolka Nogob tuulada simane iyo mayu_muluqo oo kawa datirsan dagmada Fiiq waxa lagu dhaawacay laguna xidhxidhay Dad aad ubadan waxaana laga dayrin hayaa xaalada muxumed toosane oo cidanka hawaarintu sadex xabadood kudhufteen.

Guud ahaanba dhawacii hawaarintu xabada ladhacday ayaan wax gurmad ah loofidin Balse xabsiyada kuwada Dhiig baxaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay