War saxaafada loogu tala galay oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Jabhada Ginbot 7 ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba Jabhadu ay iska xaadirinayso magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay Jabhada Ginbot 7 ayaa hakindoonta dhamaan howlihii halganka ee ay kawadeen Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya, waxayna Jabhadu sheegtay in mudo bil gudaheed ah ay kutagi doonaan magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya.

Hogaanka Jabhada Ginbot 7 ayaa horaantii todobaadkan kulan layeeshay Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed, oo socdaal kumarayay wadanka Maraykanka, waxaana lafilayaa in ay gaadheen heshiis hor dhac ah.

Jabhada Ginbot 7 ayaa mudo dheer dagaal kula jirtay ciidanka Gumaysiga Itoobiya, waxayna Jabhadu hubka qaadatay kadib markii taliskii dhacay ee wayaanuhu uu cadaalad daro badan kagaystay Gobolka Axmaarada iyo guud ahaan Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay