Sidii aan idiinku soo gudbinay wararkii  hore,waxay ciidamada qaybta Duufaan abaabul isdaba joog ah ka sameeyeen gudaha maagalada Dhagaxbuur habeenadii   21,22,23,  bishan March,sidoo kale waxaa iyana ka dhacay baadhitaan lagu sameeyay magaalada Qabridahar, waxaana dhamaan arimahan looga danlahaa in kor loogu qaado  wacyi galinta  dadka ku dhaqan Magaalooyinka waawayn ,iyo in loo muujiyo shacbiga, tabardarada  la soo gudboonaatay ciidamada  cadawga

Hadaba mar kale ayay Ciidanka qaybta Duufaan ee jwxo  waxay abaabul iyo dagaalo ka sameeyay gudaha magaalada Dhagaxbuur  25,26 bishan March  2012. Goobaha ay ciidamadu ku qabteen shirka  mid ka mida oo ay u jiraan ciidanka cadawg  in ka yar 1KM  ayay isku dayeen inay is hortaagaan ,waxaana si fiican u caabiyay islamarkaan ku horjoogsaday xeradoodii ciidan loo diyaariyay  kaas  oo suura galiyay in kulankii uu ku dhamaado habkii loo qorsheeyay

Sidoo kale waxa dagaal xoogan uu ka dhacay  19/3/12 meel u muuqata magaalad Dhagaxbuur  oo loo yaqaan Inadhogorjiir waxaana halkaa cadawga loogu gaystay khasaare balaadhan oo isugu jira dhimashao  iyo dhaawac waxayna ciidankaas goobtaas ku sugnaayeen  24 saacadood iyagoo intaa ku mashquulsanaa aasitaankii askarata laga laayay, dad goobta ka agdhawaa ayaa xaqiiyay in  ciidankii hore aan wax badan ka hadhin  oo gurmadkii  ay ku mashquuleen  aasitaankii askartooda halkii ay  ka raadsan lahaayeen cwxo .

Isku soo duuboo waxaa la cadeeyay in mooraalkii deegaanadaa uu maanto marayo meel uusan waligiii gaadhin ,islamarkaana  cwxo la soo gaadhsiiyay hanbalyo uga timid shacabkiisa

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay