Madaxweynaha Venezueala Nicolas Madura ayaa lagu weeraray xili uu khudbad u jeedinaayey dadweynihiisa taas oo si toos ah looga daawanaayey Telefishanka, weerarku markii uu dhacay ayaa la arkayey Maduro oo cirka eegaya iyo askartiisa oo isku hareereeyey iyaga oo ku qaraniyaaya wax ka difaaca xabadda.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsadey Drone ama aalada yar ee duusha ee dhulka laga hago. Wasiirka Warfaafinta ee dalkaas Jorge Rodriguez ayaa xaqiijiyey in weerarkan loo adegsadey Drone dhawr xabbo ah, taas oo xanbaarsaneyd qaraxyo box lagu soo ridey.

Qaraxa ayaa ku dhacay askartii banaankiisa taagneyd ee saf-safka u taagneyd, waxana la arkayey qaarkood oo dhiig ka da’aayo. Weerarkan waxaa sheegtey koox isku magacaabtey “Soldados de Franeles”, kuwaas oo fariimo qoraal ah ku soo gudbiyey Twitter-ka. Maduro ayaa ku eedeeyey ultra-right oo uu ula jeedo Xisbiga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah iyo weliba Kolombiya.

Dalka Venezuela ayaa kadib geeridii Madaxweynihii hore Hugo Chaves la daalaa dhacaya burbur dhaqaale, sicir barar, shaqo la’aan iyo muran siyaasadeed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay