War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay haysato uu kajiro qalalaase aad uxoogan oo saamayn balaadhan leh.

Safaarada ayaa sheegtay in ay isha kuhayso hadba sida uu wax isu badalayo iyo iyo qalalaasaha kasocda dhulka Soomaalida Ogaadeenya kaas oo bilowday maalinnimadii shalay oo Sabti ahayd.

Safaarada ayaa dadka Maraykanka ah ee Ogaadeenya jooga ugu baaqay in ay aad utaxadaraan isla markaana ay kafogaadaan goobaha ay dhibaatooyinku kajiraan, waxayna safaarudu dadka dhalashada Maraykanka haysta kulatalisay in ay guryahooda joogaan.

Sidoo kale safaarada ayaa dadka Maraykanka ah usheegtay in ay safaarada soowargaliyaan hadii ay wax khatar ah dareemaan si loobadbaadiyo nafdooda iyo maalkoodaba.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer oo hore wax kaqortay xaaladaha wadanka gacanta Gumaysiga kujira ee Ogaadeenya, iyo xaaladaha qalafsan ee guud ahaan wadanka Itoobiya kajira.

Sidoo kale waxaa arintan isha kuhaya safaaradaha aduunka ee magaalada Addis Ababa waxaana la eegayaa sida ay wax isubabadalayaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay