Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenya gaar ahaan degmada Baabili ee Gobolka Faafan ayaa sheegaya in magaalada kasocdo isku dhacyo waawayn oo u dhaxeeya shacabka Soomaalida Ogadenya oo dhinac ah iyo dad Oromo, Amxaaro iyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya kakooban oo dhinac ah.

Isku dhaca Soomaalida Ogadenya iyo dadka Itoobiyanaka ah ayaa la sheegayaa in ay xidhidh laleeyahiin duulankii ciidanka Gumaysiga Itoobiya shalay kusoo qaaday caasimada Ogadenya ee Jigjiga. Dadka Soomaalida Ogadenya ee dagan magalada Baabili ayaa waxaa loo gaystay dhaawacyo iyo boob hantiteed oo fara badan.

Guud ahaanba magaalooyinka Ogadenya ee xuduudaha Itoobiya kuyaala ayaa lagu hayaa weeraro qorshaysan oo naftooda iyo maalkooda lagu beegsanayo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay