Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay, kaasi oo laga maqlayey xoogiisa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa, isla markaana ka dhacay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan meel ku dhow isgoyska shaqaalaha iyo shaneemadii hore ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo waxaa ku geeriyooday laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 9 qof sida uu goobjooge u sheegeen warbaahinta gudaha. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baar ay dadka ku cunteeyaan, kaasi oo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo daad gureeyay dadkii ay waxyeelado ka soo gaadhay qaraxa. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocaan oo kale ah ka fuliya magaalada Muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay