Qaar kamid ah dadkaSoomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso ayaa markii ugu horeysay waxa ay  ka hadleen rabashadaha iyo xiisada kasoo cusboonaatay magaalda Jigjiga ee xarunta Soomaalida Ogadenya.

Shacabkan oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Jigjiga ee wadanka Ogadenya waxayna ku baaqeen in wax laga qabto rabshadaha kusii fudaya magaaladaasi iyo magaalooyinka kale ee wadanka Ogadenya.

Hase yeeshee dadka qaar oo saxaafada u waramay ayaa sheegaya in xaalada jahawareerka ah ee laga soo sheegayo magaalada Jigijiga ay masuuliyadeeda leedahay dowlada dhexe ee Itoobiya oo ay tilmaameen in ay ciidamo badan oo militari ah ku daad gureysay magaaladaasi.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay