Shirkadda diyaaradaha Eritrea Airlines ayaa si rasmi ah u billaawday duullimaadka ay ku imaneyso Addis Ababa.

Shirkadda Diyaaradaha Eritrea waxay Addis ababa Timid muddo 20 sanno kaddib. Diyaaraddi ugu horreysay oo ka soo kicitantay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa waxay shalay Barqadi soo cago dhigatay magaalada Addis Ababa.

Diyaaradduna waxay sidday rakaab isugu jiray masuuliyiin dhinaca gaadiidka hawada Eritrea, dalxiisayaal iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah waddanka Eritrea. Waxaana diyaaradda wafdigi saarnaa gigada diyaaradaha ee caalamiga ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene iyo mas’uuliyiin kale.

17 maalmood ka hor waxaa magaalada Asmara ka degtay diyaaraddii ugu horreysay oo mudda 20 sano ah ka socotay shirkadda diyaaradda Itoobiyan Airline oo sidday 456 qof oo rakaab ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay