Magaalada Toronto ee wadanka Kanada (Canada) ayaa sanadkan marti galisay shirweynihii jaaliyadaha Ogadeniya ee aduunka oo sanad kasta goob lagu qabto. Shirkan ayaa abaabul xoogan loogu jira waxaana la rajeynaya inuu noqdo shir aad u xoog badan oo wax tar leh. Shirkan kii ka horreeyay ayaa lagu qabtay Australiya sanadkii 2011, waxaana kaasii ka horreyay Sweden. Shirweynahan ayaa kolba sanad qaarad lagu qabta.

Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya ayaa halhays u leh Cadceedu  kama dhacdo  Calanka Ogadeniya halhayskaas oo soo baxay kadib markii Calanka Ogadeniya laga qotomiyay Shaarica Wadanka Australia Sanadki 2011 shirweynihii Jaaliyadaha Adunka ee Caalamka.

Hadaba sanadkan ayaa waxa aad loosugaya shirweynahan oo noqon doona mid aad uga gadisan kulamadi hore iyaga oo Jaaliyada Canada ay farsamooyin badan kusoo kordhiyeen kulankan.

Maclumaadka shirka kor Sawirka ka muuqda ka xigo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay