Ayadoo bilihii ugu dambeeyay ay dhacayeen dagaalo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya labada Qowmiyadood ee Oromada iyo Soomaalida wada dega oo ay ku naf-waayeen Boqolaal dad ah oo ka kala tirsan labada dhinac, ayaa waxaa baaq nabadeed oo arrintaa la xidhiidha diray markii ugu horeysay Jaaliydaha labada dhinac ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Masjidka Abuubakar Al-sidiiq ee magaalada Minneapolis waxaa ay ku cambaareeyeen dagaallada ka socda dhulka Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya. Culima’udiinka, Wax-garadka iyo Ganacsatada ka soo jeeda labada Jaaliyadood ayaa ku baaqay in si dhaqse ah loo joojiyo dagaallada, iyaga oo ugu baaqay dowladda Dhexe ee Itoobiya in ay soo afjarto dagaallada ku sii fidaya deegaannada.

Gaar ahaa waxaa shirkan jaraa’id baaq hoose loogu diray Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo laga codsaday in dwladdiisu sugto amaanka dadka sida gardarada ah loo leynayo ee aan wax-ba galabsan. Waa markii ugu horeysay oo wada jir meel kaliya shir jara’id ku wada qabtaan Jaaliyadaha ka soo jeeda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ka dhan ah dagaallada labada dhinac ku dhexmaraya gudaha dalka Itoobiya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay