Afhayeen u hadlay xafiiska Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay iskudaygii fashilmay ee lagu khaarajin rabay Abiy Axmed, kaas oo lala beegsaday xilli uu khudbad u jeedinayay kumanaan taageeroyaashiisa ah.

Sida uu afhayeenku sheegay ciidamada ammaanka ee Gumaysiga Itoobiya ayaa gacanta kusoo dhigay Tasfaye Arrage oo madax ka ahaa xafiiska waxa ay Gumaysigu ugu yeedhaan argagixiso ladagaalanka, kaas oo lasheegay in uu isagu soomaleegay isku daygii dil ee Abiye Axmed lala beegsaday 23 June 2018, xili uu magaalada Addis Ababa dad kula hadlayay.

Tasfaye Arrage oo ah ninka loo haysto faldambiyeedkan ayaa kamid ahaa xubnihii ugu fir fircoonaa ciidamada sirdoonka ee Itoobiya, wuxuuna Tasfaye ahaa shakhsi lagu aaminay in uu madax kanoqdo xafiiska ciidanka ka hortaga Argagixisada qaybtiisa Addis Ababa.

Afhayeenka ayaa sheegay in Tasfaye maxkamada la horgayn doono isagoo intaas raaciyay in loo hayo cadaymo badan oo laxidhiidha falka Tasfaye loo haysto, wuxuuna Afhayeenku sheegay in cidii kale ee falkaas lug ku yeelata lasoo qaban doono.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya iyo ciidamadeeda ayaa aad u kala shakisan kadib markii saraakiisha ciidamadu ay muujiyeen sida ayna ula dhacsanayn qaabka wax usocdo iyo saraakiisha ciidamada ee Raysal-wasaaraha cusub uu beegsanayo, qaar badana xilalkoodii ka eryay.

Kala shakiga saraakiisha sarsare ee ciidamada iyo xukuumada Gumaysiga ayaa soo bilowday sanadkii 2015, kadib markii kacdoon xoogan uu kabilowday wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolada Oromia iyo Axmaarada kacdoonkaas oo laxalin waayay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay