Gudoomiye kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO Mudane Kornayl Cali Samire Sigad ayaa waraysi siiyay Ideecada Jarmalka ee Afka Axmaariga kuhadasha.

Mudane Cali Samire ayaa siwayn uga warbixiyay marxalada qalafsan ee uu hada kusugan yahay wadanka Soomaalida Ogaadeeniya, wuxuuna Hogaan kuxigeenku sheegay in wadanku uu galay xaalad jihawareer ah.

Mudane Kornayl Cali Samire Sigad ayaa sheegay in xukuumada Gumaysigu ay kadambaysay qalalaasaha lagaliyay wadanka ay dadka Soomaalida ah ee lagumaysto dagaan, halkaas oo sida uu Kornayl ku sheegay aan micno badan ugu fadhiyin xukuumadihii soomaray talada wadanka Itoobiya oo isku mowqof ka ahaa arimaha Ogadenia.

Mudane Cali kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO ayaa sheegay in Jabhada ONLf ay aad uga soo horjeedo faragalinta qaawan ee ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo dadka shacabka ah ee laga qixiyay guryahoodii iyo deegaanadii ay kusugnaayeen.

Sidoo kale Mudane Cali ayaa sheegay in ciidamada Mulatariga Itoobiya ay dileen tobonaan shacab ah halka dad kale oo aad ubadana ay dhaawacyo ugaysteen, wuxuuna Hogaan Kuxigeenku tacsi udiray dadka ehelkoodii lagu dilay howlgalkii sharci darada ahaa ee ciidamada Itoobiya.

Mudane Cali Samire Sigad ayaa ideecada Afka Axmaariga ee wadanka Jarmalka usheegay in xukuumada Itoobiya ay ubadheedhay handadaada iyo cabsi galinta shacabka iyagoo awood ulahaa in ay maamulka si farsamaysan oo aan handadaad iyo weerar ahayn kubadalaan.

Gabagabadii Hogaan Kuxigeenka ayaa dadka Soomaalida ah ee Itoobiya ay ugumaysato usheegay in ay midoobaan si ay danahooda ugaadhaan, wuxuuna kadigay in aan lahagardaamaynin halganka ay hurmuudka utahay JWXO.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay