Waxa uu wadanka Eritrea wadahadal uga socday Jabhada Xoraynta Oromiya ee Oromo Liberation Front (OLF) IYO taliska Itoobiya.

Wadahadalka ayaa waxaa dhanka Itoobiya u matalayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo horjoogaha maamulka Oramadaa, halka dhanka OLF  ay u matalayeen gudomiyaha ururka OLF, Daa’uud Ibsa iyo saraakiil sarsare oo ururka katirsan.

Hadaba afhayeenka jabhada OLF ayaa shalay sheegay in ururka OLF uu siiwadi doono halganka uu ugu jiro madaxbanaanida dhulka Oromiya oo halgan dheer usoo maray sidii ay xornimo buuxda u gaadhsiin lahaayeen shacabka Oromiya.

Afhayeenka u hadlay ururka OLF ayaa sheegay inay qorigii ay qalin ubadaleen, hada kadibna kashaqayn doonaan sidii  si nabad ah Oromia looga xorayn lahaa Itoobiya inteeda kale, waa sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaas kudaray in qodobkani kamid ahaa heshiiskii iyaga iyo Itoobiya ay talaadadii lasoo dhaafay ku kala saxiixdeen dalka Eritrea oo fadhiisin u ahaa Jabhada mudadii ay halganka kula jireen Gumaysiga Itoobiya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay