Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Xassan Moalin oo laga waraystay ESAT TV ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhawaynayaan xilka qaadista lagu sameeyay wakiilkii gumaysiga Itoobiya ee Ogaadeniya Cabdi ilay wuxuuna sheegay in ay mar hore ahayd in xilka laga qaado.

Mudane Xassan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay urur ahaan ka xun yihiin in la gubo ama wax la yeelo goobaha wax lagu caabudo, sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka xun yihiin in ciidanka faderalka Itoobiya ay faragalin ku sameeyay gobolka soomaalida Ogadenia.
Waxa kale oo uu mudane Xassan ugu baaqay shacabka Soomaalida in ay israacaan.

Mudane Xassan ayaa wuxuu u tacsiyeeyay dhamaanba dadkii lagu laayay magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee Ogaadeeniya, wuxuuna hogaanku canbaareeyay rajiimkii falkaas gaystay.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in cadaalada la horkeeno dadkii ka danbeeyay dhibaatadii kala duwanayd ee ka dhacday gudaha wadanka soomaalida Ogaadeeniya.

Waxa kale oo mudane Xassan shacabka Soomaalida Ogaadeniya ugu baaqay in ay ilaaliyaan danta guud, xasiloonida aminigoodaba islamarkaana aysan cidna dhiibaato u gaysanin,

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay