Wararka naga soo gaadhaya wadanka gacanta Gumaysiga kujira ee Ogadenia ayaa sheegaya in uu siixoogaystay qalalaasihii ay xukuumada Gumaysigu wadanka galisay iyadoo adeegsanaysa ciidankeeda dhaqanka xun.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa meel xun gaadhay khilaafkii kooxdii Jigjiga fadhiday ee Gumaysiga kabaqaadka u ahayd iyo xukuumada Itoobiya, kuwaas oo isku maandhaafay habka loodhibaataynayo shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Xukuumada Itoobiya oo si badheedh ah uhujuuntay una weerartay dadka shacabka ah iyo maamulka dabaqoodhiga ah ee kusugan Ogadenia ayaa lasheegayaa in ay kusii cadcadaha faragalintii qaawanayd ee ay kusameeyeen dadka iyo dalka Ogadenia, waxaana lasheegayaa in uu xaalku yahay ninkaa amarwayn hortaabuu ulmaa.

Dhinaca kale maamulka maqaarsaarka ah ee Jigjiga ayaa isna iska diiday soojeedintii xukuumada Itoobiya ee ahayd in maamulka wadanka loodhiibo Axmed Shide oo ah shakhsi si gaar ah kabaha ugu qaada Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiye Abiye Axmed.

Dhinaca kale dadka shacabka ah oo korkooda lagu gorgortamayo ayaa dareemay dhibaato xoogan waxayna shacabku bilaabeen qax iyo in qofkasta uu aado deegaankii uu asal ahaan kasoo jeeday. Waxaana lasoo warinayaa in dadwayne aad ubadan ay kaqaxeen magaalada Jigjiga oo ah goobta ugu nabadgaliyada xun wadanka.

Sidoo kale waxaa laga soo dayrinayaa xaalada dadkii kudhaawacmay rasaastii ay ridayeen ciidanka mulatariga Itoobiya oo iyagu sibadheedh ah dadka shacabka ah rasaas ugu furay.

Iskusoo wada duub oo waxaa wali aad ukacsan xaalada guud ahaan wadanka Ogadenia oo galay xaalad hubinti la’aan dhinaca amaanka ah kaas oo wali lagusii gurayo ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay