Wararka ka imanaya gobolka Bay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in laba qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaad lagu afduubay duleedka magaalada Baydhabo. Warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in labadaas qof oo wiil iyo gabadh ah ay u shaqaynayeen hay’adda Bisha Cas.

Sida ay sheegayaan dad deegaanka ku sugan oo aan la xidhiidhay waxay intaa ku dareen in labadaas qof lala qafaashay darawalkoodii gaadhiga ku waday. Afduubka shaqaalaha caafimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Misgaale oo 18 KM dhinaca koonfureed ka xiga magaalada baydhabo degaankaas oo ay shaqo u joogeen.

Ilaa hadda lama oga sababta afduubka keentay, cidda ka dambaysay, iyo halka lala aaday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay